Muxuu Sergio Ramos ka yiri kaddib guushii ay kooxdiisa Real Madrid ka gaartay Atalanta?

0
339

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka hadlay guushii ay Los Blancos ka gaartay Atalanta, kulankii Champions League.

Real Madrid ayaa u gudubtay wareega siddeeda ee Champions League kaddib markii ay guul ka gaartay kooxda Atalanta, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, kulankii lugta labaad wareega 16-ka ee tartankan, Los Blancos ayaa cel-celis ahaan labada kulan waxay ku soo baxday 4-1.

Haddaba wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Sergio Ramos, kaddib ciyaarta, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Ujeedkeedna wuxuu ahaa inaan ku soo baxno natiijo fiican, waxaan ciyaarnay kulankan inaan guuleysano isla markaana aan xakameyno kubadda, waxaana dhalin karnay goolal intaas ka badan.”

“Qorshaheena ciyaarta ugu dambeyn waxay ku xiran tahay kooxda naga soo horjeedda, ma aanan ogeyn sida loo cadaadiyo Atalanta, arrimuhu si fiican ayey u dhaceen, ugu yaraan ma jirin wax halis ah ee aan la kulanay.”

Intaas kaddib Sergio Ramos ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan in da’adiisa ay sii weynaaneyso wuxuuna yiri:

“Ugu dambeyntiina, waxaan sidoo kale dhahaa in daryeelka naftaada dhowr sano ay kaa dhigeyso inaad miro dhaliso intaas kaddib, mar walbana waxaan ku dadaalnaa inaan ku soo bandhigno heerarka ugu wanaagsan garoonka.”

Marka laga hadlayo cusbooneysiinta qandaraaskiisa kooxda, ayaa wuxuu yiri:

“Waxba kuma soo celin karo, marka ay wax cusub jiraan waan kuu sheegayaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here