Antonio Conte Oo Doonaya In Uu Saxiixiisa Ugu Horeeya Ee Inter Milan Ka Dhigto Xiddig Weerar Ah oo Man United Ah

0
450

Kismaayo(Waamo Radio) Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ku dhaw in uu tababare u noqdo kooxda Inter Milan sida ay sheegayaan wararka sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Italy.

Antonio Conte ayaa la sheegayaa in uu bartilmaameedsan doono xiddig u ciyaara kooxda Man United si uu uga dhigo saxiixiisa ugu horeeya marka uu noqdo tababaraha kooxda Inter Milan.

Tababare Antonio Conte ayaa doonaya in uu weeraryahanka Man United ee Romelu Lukaku ka dhigto saxiixiisa ugu horeeya ee Inter Milan marka uu tababare u noqdo kooxda Inter Milan.

Kooxda Reer Italia ee Inter Milan Ayey ku adkaan Doonta Hilida Xidigan Maadaama Xiriirka Labada Kooxood uusan Fiican

Conte ayaa ku dhaw in uu shaqada tababaranimo ee Inter Milan ka badalo tabaabre Luciano Spalletti dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib qaab ciyaareedkii xumaa ee ay soo bandhigtay kooxdu xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Conte ayaa bilaa shaqo ahaa tan ilaa markii laga caydhiyay shaqada kooxda chelsea dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa uu haatanba diyaarsanayaa xiddigo uu keeno Qalcada San Siro dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Antonio Conte ayaa doonayay Lukaku in uu keeno Chelsea intii uu tababaraha u ahaa Blues laakiin ugu dambayn Man United ayaa ka hor qaaday adeegiisa isaga oo sidaas ugu biiray Garoonka Old Trafford.

Dhanka kale Romelu Lukaku ayaa doonaya in uu isaga tago Man United isaga oo doonaya in uu ku biiro Koox cusub si uu ugu guulaysto koob xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here