Blaugrana oo baadi goobaysa inay gaarto caawa afar kulan oo xiriir ah horyaalka La Liga

0
228

Barcelona(Idaacadda Waamo)-Barcelona ayaa isha ku haysa inay gaarto afarta kulan oo isku xiga ee La Liga markii ay sii wadayaan ololahooda maxaliga ah ee ay gurigooda kula ciyaarayaan kooxda dhibtooneysa ee Huesca caawa oo Isniin ah.

Kooxda Tababare Ronald Koeman ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad ee kala horreynta horyaalka La Liga, iyagoo 7 dhibcood ka hooseeya kooxda hoggaanka haysa ee Atletico Madrid, halka Huesca ay tahay kooxda ugu hooseysa horyaalka Spain, iyadoo kaliya 20 dhibcood ka heshay 26 kulan oo ay ciyaareen.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Camp Nou

Garsooraha: Adrian Cordero (Spain)

Wararka kooxaha:-

Barcelona ayaa la filayaa inay ku sii wadato saddex daafac dambeedka ah kaddib qaab ciyaareed fiican oo ay kala soo muuqdeen kulankii PSG ee bartamihii isbuucaan.

Ousmane Dembele waa inuu sii wadaa ka ciyaarista weerarka kaddib markii uu boosas wanaagsan soo galay kulankii ugu dambeeyay, laakiin waxa ka maqan gooldhalinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here