Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Maal-mihii ugu danbeeyay waxaa xeebaha Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan magaalda Kismaayo lagu arkayay kalluun badan oo dhintay kaas oo kusoo caariyay xeebaha waxaana lasheegay in sidaan oo kale marka lagaaro xiliyada kuleylaha horay loogu arkay xeebaha kalluun dhintay.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka bada Dowlad Goboledka Jubbaland Ibraahim Cabdi xassan ayaa sheegay in ay dhimashada kuluunkan qeyb katahay isbadalka cimilada oo uu ula Jeedo in sand walibo marka lagaaro xiliga kuleylaha la arko kalluun badan oo daadsan xeebaha Gobolka Jubbada Hoose
Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan innooga diyaariyay.