Kooxda Barcelona oo Laga Ciribtirey Tartanka Champions League.

0
275

Paris(Idaacadda Waamo)-Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa gabi ahaanba laga Ciribtirey tartanka Champions League oo ay soo dhaafi weyday wareegga 16-ka kaddib markii ay xalay barbarro 1-1 ah ku dhamaysteen kulankii laugta labaad Champions League kaas oo ay la ciyaareen kooxda reer France ee PSG oo ay marti ugu ahaayeen magaalada Paris.

Labada kooxoo ayaa ku kala nastay 1-1 kaas oo ay u kala dhaliyeen xiddigaha K Mbappe daqiiqadii 30-aad  halka uu L Messi uu dhaliyey Daqiiqadii 37-aad ee ciyaaarta.

Image

Kooxda Barcelona ayaa xataa xalay iska cuntay gool Rigoore ah oo loo dhigey kaas oo laga badbaadiyey Halyeeyga kooxda ee Leo Messi daqiiqadii 45-aad.

Kooxda PSG ayaana ku badisay 5-2 marka leesku daro celcelis ahaan labada kulan ee kooxahan wada kulmeen.

ImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here