Kooxda Liverpool oo Xalay Usoo baxday Wareega 8 Dhamaadka Champions League

0
322

Liverpool (Idaacadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa guul kale ka gaartay Koobka Champions league Kooxda RasenBallsport Leipzig kulankan oo ahaa kii labaad ee wareega 16-aad iyadoo kooxda Reds ay gaartay guul 2-0 ah.

Labada Kooxood ayaa qeybta hore ku kala nastay goolal la’an iyadoo qeybta dambe daqiiqaddii 70-aad ee ciyaarta ay Liverpool ay heshay gool waxaana u dhaliyey Mohamed Salah, kaas oo uu hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa.

Afar daqiiqo kaddib goolka Salah, waxa isaguna shabaqa soo taabtay Sadio Mane oo 74-aad daqiiqadood markii ay maraysay u xaqiijiyey kooxdiisa in ay iska xaadirisay wareegga siddeedda Champions League.

Liverpool ayaa u soo baxday Wareega 8-aad ee koobka Champions league 4-0 marka la isku daro labada kulan.

ImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here