Manchester City oo guuldaro Dhabarka usaartay Kooxda Southampton 

0
311

Manchester(Idaacadda Waamo)-Kooxda Manchester City ayaa guul ka gaartay Southampton kulan ka tirsan Horyaalka Premier league iyadoo kooxda City ay dib ugu soo laabatay wadada guusha kadib guuldaradii kasoo gaaray United todobaadkan.

Kevin De Bruyne ayaa Manchester City hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 15aad iyadoo uu goolka ku hubsaday kubbad ka uu Zinchenko dhinaca bidix ka keenay oo uu goolhaye Alex Mc Carthy iska difaacay hase yeeshee uu De Bruyne hortiisa ka helay, shabaqana ku hubsaday.

Southampton ayaa k jawaabtay goolkan waxaana toban daqiiqadood damaashaadka City rikoore u dhaliyey James Ward-Prowse oo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Manchester City ayaa daqiiqaddii 40-aad hoggaanka si buuxda ula wareegtay, waxaana gool u dhaliyey Riyad Mahrez 2-1 , ka hor intii aanu Gundogan ciyaarta ka dhigin 3-1.

Riyad Mahrez ayaa qaybta labaad oo toban daqiiqadood oo kaliya socota ku dilay ciyaarta kubbad uu ka helay Phil Foden oo uu natiijada kaga dhigay 4-1 daqiiqaddii 54-aad, laakiin hal daqiiqo kaddib ayay Southampton soo gaabisay farqiga goolasha ciyaarta iyadoo gool uu u dhaliyey Ch Adams uu kaga dhigay 4-2

Kevin de Bruyne ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyey goolka Southampton ay ka dhalisay, waxaana daqiiqaddii 59-aad uu ka dhigay 5-2, iyadoo ciyaartuna sidaas kusoo dhamaatay.Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here