Muxuu Zidane ka yiri barbarihii ay Real Madrid la gashay Kooxda Atletico Madrid??

0
222

Madrid(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane, ayaa ka hadlay kulankii Madrid derby ay barbardhaca dirqiga ah la galeen kooxda Atletico Madrid.

Kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid ayaa dhibcaha ku kala qeybsaday garoonka Wanda Metropolitano, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Ciyaarta kaddib tababaraha reer France ee Zinedine Zidane ayaa u sheegay warbaahinta:

“Sida caadada ii ah, kama hadli doono garsoorayaasha, waan ognahay in howsha garsoorayaasha ay adagtahay waana inaan ixtiraamnaa go’aanada dhexdhaxaadinta.”

“Qeybtii hore iyaga ayaa lahaa, qeybta dambana anaga ayaa laheyn, ugu dambeyntiina waxay noqotay barbardhac, waxa ugu muhiimsana waa inaan dhisno wixii aan soo bandhignay qeybtii labaad.”

Intaas kaddib Zinedine Zidane ayaa ka hadlay arinta ku saabsan in miiska kala sareynta ay kaga hooseeyaan kooxda ay dagaalamaan ee Barcelona wuxuuna yiri:

“Ujeedkeena waa inaan sii socono waana ognahay inay jiraan kulammo badan oo harsan waxaana dagaalami doonnaa ilaa dhamaadka.”

“Waxyaabaha marwalba way isbadali karaan waana ognahay inaan horumarin karno, waxa iigu muhiimsan aniga waxay ahayd inaan horumariyo waxqabadka iyo qaab ciyaareedka qeybta labaad.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here