“Ilaahay ayaa mahad leh, waan xusuusan doonaa illaa xabaasha goolkaan uu isiiyey Messi” – Yuu u hibeeyey Ilaix Moriba goolkiisii ugu horreeyey ee Barcelona?

0
248

Da’yarka Kooxda Barcelona ee Ilaix Moriba ayaa shaaca ka qaaday inuu illaa xabaasha uu xusuusan doono goolkii quruxda badnaa ee uu xalay ka dhaliyey kooxda Osasuna oo ay uga adkaadeen 2-0.

Guushaas ayaa sabab u noqotay inay Barcelona labo dhibcood oo kaliya u jirsato kooxda hoggaanka u haysata horyaalka La Liga ee Atletico Madrid.

Kubbad uu ka helay Lionel Messi ayuu Moriba xerada ganaaxa Osasuna kala soo galay dhinaca midig, waxaana uu lugta bidix ku toogtay goolka, isagoo kubadda dhigay meel ka fog goolhayaha oo awoodi waayey inuu celiso inkastoo ay gacmihiisu taabteen.

Waxa uu ahaa kulankiisii shanaad ee uu kooxda waa weyn u safto Moriba wuxuuna dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey Barcelona, marka laga soo tago inuu sheegay inuusan illaa xabaasha iloobi doonin goolkan haddana waxa uu u hibeeyey qolooyin gaar ah.

Isagoo la hadlayey telefishanka kooxdiiisa ee Barca TV markii ay ciyaarto dhammaatay kaddib waxa uu yiri: “Lionel Messi ayaa isiiyey kubbad wanaagsan, mana garanayo sidii aan u soo jaray ee aan lugta bidix ugu toogtay, Ilaahay baa mahad leh oo goolka ayay gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here