Kooxda Chelsea oo Garaacday Kooxda Liverpool 

0
391

Liverpool -(Idaacadda Waamo)-Chelsea ayaa heshay guul muhiim ah tartanka loogu jiro u soo bixitaanka Champions League markii ay garaaceen Liverpool si ay ugu soo baxaan afarta sarre ee Premier League .

Mason Mount ayaa ahaa geesiga ciyaarta, isagoo dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta madama uu dhameystiray kubad qurux badan oo ka timid N’Golo Kante daqiiqadii 42-aad ee ciyaarta.

goolka ka hor, Blues waxaa laga diiday goolka furitaanka kadib markii dib loo eegay VAR. goolkaasi uu dhaliyay Timo Werner ayaa meesha looga saaray inuu Offside ahaa madama gacantiisa ka horeysay daaficii ugu dambeeyay.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa fiicneyd qeybtii hore, iyagoo qeybta danbe difaac ka galay weerarka kooxda Liverpool ah.

Kooxda difaacaneysa koobkaan ayaa haatan laga badiyay shan kulan oo isku xigta oo garoonkeeda ah – waa markii ugu horeysay ee taariikh ceynkaan ah.

Natiijada kulanka caawa ayaa ka dhigan in kooxda Chelsea ay adkeysato booska afaraad iyagoo leh 47 dhibcood halka Liverpool ay u dhacday booska 7-aad iyagoo leh 43 dhibcood.

ImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here