Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Waxaa magaalada Kismaayo ku nool dhalinyaro leh hal abuuro kala duwan isla mar ahaantana hadii ay soo bandhigaan fikradohooda hal abuur laguna maal galiyo ay noloshooda wax ka badali karaan sidoo kale waxaa jira dhalinyo loo tababaray sidii ay u soo bandhigi lahaayeen xirfadaha hal abuur ee ay leeyihiin laguna maar galiyay.
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dowlad Gobledka Jubbaland oo kaa shanayso Hay’adaha deeq bixiyayaasha ah ayaa maal galin u samaaysay ilaa 80 dhalinyaro ah oo la yimid xirfado hal abuur isla markaana mudo saddex bilod ah loo tababaray sidii ay xirfadohooda ugu shaqaysan lahaayeen.
Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixinntan inooga diyaarisay.