Kooxaha Chelsea iyo Manchester United oo barbardhac ku kala baxay

0
268

London(Idaacadda Waamo)-Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa barbardhac 0-0 ah ku kala baxay, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Stamford Bridge, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Chelsea iyo Manchester United kula nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbardhac 0-0 ay ay ku kala baxeen labada kooxood Chelsea iyo Manchester United, United-ka ayaa wali fadhisa booska labaad, iyagoo leh 50 dhibcood, halka Blues ay iyagana fadhiyaan booska 5-aad, kaddib markii ay uruursadeen 44 dhibcod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here