Xarumaha  farshaxada haweenka lagu baro oo ku soo badanayo  magaalada kismaayo.

0
508

Kismaayo(Waamo Radio)Xarunta tababarada haweenka ee wadajir wemon group  waxaa kamid tahay xarumaha farshaxanka oo ay haweenka soomaaliyeed ee kismaayo ay ka bartaan xirfado ay ku maareeyaan noloshooda iyo tan qowskooda.

waxaa soconayay xiliga aan tagayay haweenka la barayay xirfadaha kalduwan oo ay kamid yihiin cilaan saarka midabeynta dhar iyo karintiisa sida harqaanka loo tolo, waxaa sidoo kale haweynkaan labara xirfad laxariirtaQaabka loo sameeyo shaambada.

cunooyinka mac macaanka ah iyo wixii la halmaamo sido kale xarunta wax ay leedahay shirkada soo saarto shaambadaiyo uunsiga lagu carfisto guryaha carfisooyinka laga sameeyo dhirta oo loo yaqaan herbalka.

 waxaan halkaasi sidoo kale  aan kula kulmay gudoomiyaha xarunta wadajir wemon group Sacdiyo Cabdullaahi Jeeyte oo Radio waamo uga warantay  sida ay ushaqeeyso xarunta  haweenka wax lagu baro.

Qaar kamid ah ardayada wax ka barto xarunta oo la hadalay ideecada waamo ayaa sheegay in ay xirfadaha kaladuwan ee xaruntani laga barto ay barteen qaarkooda ayna ku shaqeeystaan xirfdahaan ay barteen.Waxaa inoo soo jeedinaya.Foos Cali Cabdiraxmaan. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here