Maalqabeen hal maalin ku waayay kaalinta koowaad ee taajirnimada caalamka

0
228

Mulkiilaha shirkadda Tesla Elon Musk, ayaa lumiyey kaalinti koobaad ee uu uga jiray maalqabeennada adduunka, kadib markii dhawaan uu hoos u dhac ku yimid saamiga shirkadda samaysa gaadiidka isticmaala korontada, oo ahayd halka uu ka helay hantida ugu badan.

Saamiga Tesla ayaa hoos u dhacay in ka badan 20% tan iyo markii uu horraantii January gaaray in ka badan 880 dollar saamigiiba.

Waxay aad hoos ugu dheceen toddobaadkan kadib markii shirkadda ay dhawaan lacag ka badan 15 bilyan oo dollar ay ku lumisay lacagta Bitcoin loo yaqaan.

Hoos u dhaca ku yimid ganacsiga Elon Musk ayaa waxa uu u horseedday Jeff Bezos inuu markale noqdo qofka ugu taajirsan dunida oo uu hogaanka u qabto liiska maal-qabeennada.

Khatarta lala xiriirinayo isbedalka Bitcoin oo maalmihii dambe hoos u sii dhacayay ayaa sare u qaaday suuragalnimada ah in qaar ka mid ah maalgashatada shirkadda Tesla ay iibiyaan saamigooda xitaa haddii aysan shirkadda dhaawac u geysan hoos u dhacan, sida uu sheegay Dan Ives oo ah falanqeeya dhanka amniga ah.

Hoos u dhaca ku yimid Bitcoin 48-dii saacadood ee la soo dhaafay ayaa qaar ka mid ah maalgashatada ku qasbay inay iibiyaan saamigooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here