Kooxda Chelsea oo guul ka gaartay Kooxda Atletico Madrid.

0
359

England-(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubada cagta Chelsea ayaa guul ka gaaray Kooxda Atletico madrid Lugta hore ee wareega 16-aad Champions League oo Lagu ciyaaray Garoonka Kooxda Atletico Madrid,

Labada Kooxood ayaa kulankaan soo bandhigay ciyaar adag oo ku dhigan qaab difaac taasi oo keentay in labada koox ku kala nastaan goolal la’an qeybta hore ee ciyaarta iyadoo Chelsea ay u muuqatay mid weerar badan.

Qeybta dambe ayaana mar kale Labada koox ay soo badhigeen ciyaar adag Laakin wax walbo ayaa isbadalay daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta kadib markii xidiga Olivier Giroud uu shaqaba ku hubsaday kubad qurux badan oo dhabal ah.ImageImageImage

Guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-1 taasi oo ka dhigan in Chelsea ay hal lug lasii gashay wareega xiga ee tartanka.Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here