Wado Cusub oo laga dhagax dhigay Xaafada Horseed Magaalada Kismaayo

0
506
Kismaayo(Waamo Radio)Wadadaan oo ah mid ay isku xilqaameen Hagaajinteeda dadka Degan Xaafada Horseed waxaa dhagax dhigay Godoomiyaha Xaafada Horseed Raage Xuseen Cabdulle,waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in wadadaan la dhiso waxaana uu intaas ku daray in ku soo beegantay xili baahi badan loo qabay wado nuucaan oo kala ah.
Gudoomiyaha Xaafadaan Horseed Raage Xuseen Cabdulle ayaa ugu baaqay Bulshada in ay ka siwanaagsan uga qeybtaan dhismaha wadadaan oo waxaa uu sheegay dhismaha wadadaan ay ku timid codsiyo kasoo gaaray qaar kamid bushada xaafada.
Wadadan la dhagax dhigay ayaa Cabir ahaan gaareysa ilaa  kun Mitir waxaa ayna sahli doontaa isku socodka Gaadiidka iyo Bushada oo hada aneey haysan wadooyin gaar siisan heerkii ay ubaahnaayeen in ay helaan.
Waxaa warbixintaan inoo soo jeedinayo,Cabdiraxiin Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here