Inter Milan oo Guuldaro Dhabarka Usaartay Kooxda Ac Milan.

0
323

Italy-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Inter Milan ayaa Fariin culus u dirtay kooxaha ka ciyaara Horyaalka talyanaiga ee Serie A kadib markii ay ka badisay kooxda ay halka magaalo ka dhisan yihiin ee Ac Milan kulan ka tirsan kulamada Horyaalka Serie A Hogaankana sii dheereysatay.

Inter Milan ayaa guuldaro 3 iyo 0 dhabraka Usaartay Kooxda Ac Milan oo kulankan marti Loogu ahaa garoonkeeda.

Xidigaha Kooxda Inter Milan ayaana 5 Daqiiqo ay ku qaadatay in ay ciyaarta hogaankeeda la wareegaan kadib markii xiddiga Lautaro Martinez uu shabaqa Kooxda Ac Milan soo taabtay goolkaasi ayaana lagu kala tagay qeybtii hore ee ciyaarta .

qeybtii labbaad ee ciyaarta ayaa ku bilaawatay dar dar xoogan oo ay kusoo gashay Kooxda Inter Milan Xiddiga Lautaro Martinez ayaana mar kale Shabaqa soo taabtay daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta ka hor inta uusan goolka 3-aad dhalin Xiddiga Lukaku daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta guud ahaan kulanka ayaana ku soo dhamaaday 0-3 oo ay guushu ku raacday kooxda Inter Milan.

ImageImageImage

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here