Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuququl Insaanka Dowlad goboleedka Jubbaland oo kaashaneysa Wasaaradda Caddaaladda, garsoorka iyo arrimaha diinta Jubbaland ayaa barnaamij wacyigalin ah ka sameysay Xaafadda Dalxiiska ee magaalada Kismaayo.
Kulankan wacigalinta ah ayaa waxaa loo qabtay qaar ka mid ah Bulshada ku nool xaafadda Dalxiiska ee magaalada Kismaayo waxana looga hadlayey sidii bulshada looga wacyigelin lahaa tacadiga ka dhanka ah Haweenka.