Kooxda FC Porto oo Garaacday Kooxda Juventus

0
300

Portugal(Idaacadda Waamo)-waxaa la ciyaaray Koobka champions league wareegiisa 16-aad iyadoo kooxda FC Porto ay garoonkeeda kusoo dhaweesey kooxda reer Taliyaani ee Juventus.

FC Porto ayaana kulankan waxay 2-1 ku dubatay kooxda reer Italia ee Juventus goolasha Porto waxaa ka caawiyay Xiddigaha kala ah , Mehdi Taremi iyo Moussa Marega daqiiqadii 2-aad iyo 46-aad ee ciyaarta

Kooxda juventus goolka kaliya waxaa u dhaliyay Xiddiga Federico Chiesa kadib kubad banaanka loo soo dhigay uu dhameestiray daqiiqadii 81-aad ee ciyaata.Image

Juventus ayaana ciyaarta ka dhigi laheyd bar-baro kadib markii uu gool qurux badan ka cunay xiddiga Morata.

Kooxda Juventus ayaa kulanka lugta labaad garoonkeeda ku soo dhaweyndoonta kooxda FC Porto oo ay xalay guuldaro kala kulmeen 2-1 ah.ImageImageImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here