Manchester City oo sii dheereesatay hogaanka Horyaalka England

0
359

England(Idaacadda Waamo)-Kooxda Manchester City ayaa mar kale fariin adag u dirtay kooxaha uu ku jiro damaca horyaalka Premier League kadib markii ay garaacday kooxda Everton taas oo ay cashir u dhigtay kuna garaacday 1-3.

Xiddiga Phil Foden ayaana Manchester city u dhiibay hogaanka ciyaarta daqiiqadii 32-aad ka hor inta uusan ka barbareyn Richarlison daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta qeybta hore ayaana lagu kala nastay1-1.

Qeybta dambe City ayaa marka kale hogaanka u qabatay daqiiqadii 63-aad kooxda City waxana goolkaasi dhaliyay Xiddiga Riyad Mahrez ka hor inta uusan goolka sadexaad u dhalin Xiddiga Bernardo Silva daqiiqadii 77-aad ee ciyaarta guud ahaan kusoo dhamaaday 1-3 oo ay Guushu ku raacday Kooxda Hogaanka Horyaalka England.

Guusha City ayaana ka dhigan in ay hogaanka horyaalka ku qabatay 10 dhibcood oo nadiif ah iyadoo leh 56 dhibcood waxana ku soo xigta kooxda ay Deriska yihiin ee Manchester United kuwaas oo leh 46 dhibcood.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here