Sheikh Nuur Baaruud oo magaalada Muqdisho ku geeriyooday

0
281

Muqdisho(Idaacadda Waamo)-Alle ha u naxariistee waxaa habeenkii xalay ahaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliyeed.

Marxuum Sheekh Nuur Baaruud ayaa maalmihii la soo dhaafay kula xanuunsanayay Cudurka Coronavirus Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho oo uu muddo Saddex Cisho ah kujiray, iyada oo ugu dambeyn uu xalay geeriyooday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee uu marxuumku ka qaatay arrimaha dacwada Islaamka, barbaarinta iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here