Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo faray guddoomiyeyaasha degmooyinka in dib loo bilaabo wacyigalinta Cudurka Covid-19

0
261

Muqdisho(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo kulan gaar ah la qaatay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Bnaadir ayaa faray in si deg deg ah dib loogu bilaabo ololaha wacyigalinta Cudurka safmarka ah eeCovid-19 oo dib u soo laba kacleeyey.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigalinta ee maamulka gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed, agaasimaha waaxda caafimaadka dowladda hoose Dr. Maxamed Caddow iyo Taliyaha ilaalada Ciidanka deeganka Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here