Warbixin:Maalinta Raadiyaha Adduunka oo maanta Caalamka laga xusay

0
254
Kismaayo-(Idaacadda Waaamo)- Maalinta Raadiyaha waxaa la qabtaa sanadkiiba mar, Qaramada Midoobey waxaa ay  13 febararyo u asteeysay  maanta oo kale  Maalinta Raadiyaha adduunka.

Qaramada Midoobey markii ugu horeysay ayey  ku dhawaaqday in loo dabaal-dego sanadkii 2011-kii maalinta Raadiyaha Adduunka.
Raadiyaha waa isha koobaad ee wararka, gaar ahaan dadka reer miyiga ah iyo bulshadeena oo lagu tiriyo bulsho maqalka ku tiirsan, waxaa dalka ka jira FM-yo dadka si aad ah u dhageystaan, iygoo markaasi  xiisanaya wararka ka baxa idaacaddaha.

Soomaaliya weli Raadiyaha waxaa uu leeyahay Dhageystayaal badan oo ku xiran, inkastoo laga yaabo in dhageystayaal badan uu Raadiyaha waayey markii ay soo baxeen TV-yada, Internet-ka iyo Mobilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here