Jubbaland oo ka hadashay Saameeynta Dhaqaale ee uu geystay Carona-virus

0
242

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xanuunka Covid-19 oo bilowgii sanadkii dhamaaday ee 2020 ka dilaacay Dalka shiinaha ayaa waxaa uu sameeyn dhaqaale ku yeeshay wadamada caalamka oo uu dalkeena ka mid yahay, waxaana hoos u dhacay kaabayaasha dhaqaalaha maadama dalka guud ahaan lagu soo rogay amarro adag si’ looga taxadaro faafidda xanuunkaan,wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyada Dowlad goboleedka Jubbaland Suleymaan Maxamed Maxamuud oo wareysi gaar siinayay Idaacadda Waamo ayaa sheegay in kobaca dhaqaalaha Jubbaland oo uu sameeyn xooggan ku yeeshay xaununka Covid-19.

wuxuuna wasiirka sheegay in ka wasaarad ahaan ganacsatada ay ka dhimeen canshuurta si’ aysan u sii adkaan iibsiga noocyada kala duwan ee Alaabaha iyo maciishadaha.

Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixitan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here