Muxuu Pirlo ka yiri u soo bixitaankii Juventus ee finalka Coppa Italia?

0
278

Tababaraha Juventus ee Andrea Pirlo ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay u soo bixitaanka kooxdiisii ​​ee finalka Coppa Italia, kaddib markii ay ka soo gudbeen naadiga Inter Milan.

Allianz Stadium ayaa martigaliyay kulankii labada koox lugtii labaad ee semi-finalka, waxayna ciyaartu ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah, Bianconeri ayaa iska xaadirisay Finalka tartankan, maadaama kulankii lugta ay ku soo adkaatay 1-2.

Shabakada “Football Italia” ee dalka Talyaaniga ayaa shaaciay wareysi uu bixiyay Andrea Pirlo, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Bilowga xirfadayda tababaranimo, qorshahayga wuxuu ahaa, inaan ku guuleysto Italian Super Cup, iyo inaan gaaro finalka Coppa Italia, isla markaana aan gaaro wareega 8-da ee tartanka Champions League.”

“Ciyaaryahan ahaan, xaalada way u fududahay, kaddib ciyaarta wey dhamaaneysaa, laakiin tababare ahaan waa inaad si deg deg ah uga fikirtaa kulanka soo socda, waa inaad ka fikirto 30 madax oo kala duwan.”

“Laakiin wali waxba kuma guuleysanin, hadda waa inaan nasanaa oo aan u diyaar garownaa kulanka Sabtida.”

“Waxaan horey u sheegay inaan nasiib ku leeyahay in afar ciyaartoy oo aad u wanaagsan aan ku haysto xarunta dhexe ee difaaca, waxay la qabsanayaan qorsho difaacedkeena, waxayna sameynayaan hormar.”

“Ma ahan kaliya soo laabashada Giorgio Chiellini. Laakiin kuwa kale si fiican ayey u shaqeeyeen, waanan ku faraxsanahay taas.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here