Manchester United oo garoonkeeda Old Trafford barbardhac kula dhaafi weysay kooxda Everton

0
392

Manchester(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa barbardhac 3-3 ah  la dhaafi weysay naadiga Everton oo ay ku soo dhowaysay garoonkeeda Old Trafford, kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Qeybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester United.

Daqiiqadii 24-aad kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay weeraryahankooda Edinson Cavani, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Marcus Rashford.

45 daqiiqo Bruno Fernandes oo caawin ka helay Aaron Wan-Bissaka ayaa gool qurux badan wuxuu ka dhaliyay kooxda Everton, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxdiisa Manchester United.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad kooxda Everton ayaa la timid gool, waxaana 2-1 ka dhigay dheesha xiddigooda Abdoulaye Doucoure.

Laakiin isla daqiiqadii 52-aad ayeey wax walba is badeleen kaddib markii uu James Rodriguez oo caawin ka helay saaxiibkiis Abdoulaye Doucoure uu dheesha ka dhigay barbardhac 2-2 ah.

Daqiiqadii 70-aad Manchester United ayaa markale la wareegtay hoggaanka ciyaarta kaddib markii uu gool u dhaliyay Scott McTominay oo ay caawin kaga timid Luke Shaw, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-2.

90+5 kooxda Everton ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 3-3 ka dhigay Dominic Calvert-Lewin oo caawin ka helay saaxiibkiis Michael Keane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here