Kooxda Chelsea oo doonaysa inay Real Madrid ka afduubato saxiixa David Alaba

0
321

London(Idaacadda Waamo)-Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa doonaysa inay saxiixa David Alaba ka afduubato Real Madrid.

Wargeyska The Guardian ayaa warinaya in Kooxda Chelsea ay indhaha ku haysto inay ka afduubato Real Madrid heshiiska David Alaba.

David Alaba ayaa ku dhow inuu xagaagan beeca xorta ah uga tago naadiga Bayern Munich, waxaana si weyn loo filayay inay Real Madrid la soo saxiixato xiddiga reer Austria.

Laakiin macallinka cusub ee kooxda Chelsea Thomas Tuchel waa mid jecel oo aad ula dhacsan daafacan, waxaana uu bartilmaameedkiisa ka dhiganayaa Alaba, kaasoo uu u arko inuu yahay qayb muhiim u ah dib u habeynta uu ku sameynayo qeybta dambe ee Blues.

Tababaraha reer Jarmal ee Thomas Tuchel ayaa doonaya inuu dib u dhis weyn ku sameeyo waaxda daafaca Chelsea, Alaba ayuuna u arkaa inuu xubin muhiim ah u noqon doono isbedelkan uu ka sameynayo qeybta dambe ee kooxda reer London.

Wargeyska The Guardian ayaana warinaya in Blues ay haatan u muuqato mid ka afduuban karta Los Blancos saxiixa David Alaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here