Isku aadka Semi finalka Copa del Rey oo la Sameyeey.

0
270

Spain(Idaacadda Waamo)-Isku aadka Semi-finalka Copa del Rey ayaa la soo saaray iyadoo labo ka mid ah afarta koox ee ugu sareysa Spain ay ku kulmayaan wareegaan.

Kooxda Sevilla ayaa ku aaday kooxda Barcelona, halka kooxda Athletic Club ay ku aaday kooxda Levante Lugta hore ee kulanka Sevilla vs Barcelona ayaa ka dhici doona garoonka kooxda Sevilla ee Estadio Ramon Sanchez-Pizjuan ka hor inta aan la aadin garoonka Camp Nou ee Kooxda Barcelona.

Ciyaarta kale, Athletic ayaa Levante ku marti qaadi doonta San Mames lugta hore ka hor inta aysan u safrin Estadi Ciutat de Valencia.

Taariikhaha semi-finalka waa 10ka Febraayo lugta hore iyo Maarso 3 lugta labaad. Ciyaarta finalka ee 2021 ayaa loo qorsheeyay 17ka Abriil ineey ka dhacdo Estadio de La Cartuja ee Seville.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here