Sidee Thomas Tuchel uga hadlay guushiisii ugu horreysay kulan London Derby ah ee kooxda Chelsea?

0
380

London(Idaacadda Waamo)-Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay kooxdiisa ka gaatay naadiga Tottenham Hotspur kulankii London Derby-ga ahaa ee horyaalka Premier League.

Chelsea ayaa guul ka soo heshay kooxda Tottenham Hotspur oo ay booqatay kulankii London Derby, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1 kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Thomas Tuchel ayaa ciyaarta kaddib u sheegay warbaahinta:

“Ma jiraan wax ka wanaagsan guusha, aad ayaan ugu faraxsanahay wixii aan sameynay, qaab ciyaareedka wuu fiicnaa.”

“Kulanka wuxuu ahaa mid aad u adag oo aan la ciyaarnay koox madax adag, balse waxaan qabanay shaqo fiican.”

“Waxaan xukumnay qeybtii hore, mana aheyn wax fudud, qeybtii labaad waxaan luminay kubad heysashada.”

‘Waxaana lumiyay kubado fudud oo baasas dhaadheer wata, waxaan helnay fursado rogaal celis ah laakiin si fiican ugama faa’ideysan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here