C.Ronaldo Oo Gaaray Halka Ugu Saraysa Kubada Cagta

0
260

Portugal -(Idaacadda Waamo)-Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu fiican gool dhalinta taariikhda kubada cagta sida uu sheegay wargayska MARCA.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay 2 gool kulankii ay Juventus garaacday Inter Milan waxana uu gaadhay goolkiisii 763-aad.

Labada gool ayaa dhaafiyay Halyeeyada kubada cagta ee Pele & Josef Bican kuwaas oo leh 762 gool.

Si kasta ha ahaatee waxa jira muran ah in goolasha Pele & Josef Bican ka badan yihiin inta la sheegayo iyada oo Josef Bican la sheegayo in uu leeyahay 805 gool.

Si kasta ha ahaatee xogta Cristiano ayaan muran ka jirin isaga oo ka goolal badan labada Halyeey kadib markii uu 31 gool u dhaliyay Sporting Lisbon, Man United u dhaliyay 118 gool sidoo kale Real Madrid u dhaliyay 451 gool iyo Juventus oo u u dhaliyay 111 gool halka uu xulka Portugal u dhaliyay 102 gool.

Haatan Cristiano Ronado ayaa lagu sheegi karaa xiddiga gool dhaliyaha ugu fiican taariikhda kubada cagta xiddiga kaliya ee mustaqbalka ka qaadi kara rikoodhkaas ayaa ah Lionel Messi oo leh 720 gool haatan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here