Horudhac: Burnley vs Man City

0
487

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa eegeysa inay noqoto kooxdii ugu horreysay horyaalka Premier League ee gaarta 13 guul oo xiriir ah tartammada oo dhan tan iyo Arsenal oo sidaas sameysay sanadkii 2002, marka ay caawa booqanayaan Burnley.

Citizens kooxda lagu naynaaso ayaa ku jirtay qaab ciyaareed aan caadi aheyn labadii bilood ee la soo dhaafay, waxaana ay hoggaanka u hayaan horyaalka Premier League.

Kooxda ay wajahayaan ee Burnely ayaa dhowaan Liverpool ku soo garaacday garoonka Anfield, laakiin guuldarradii ka soo gaartay Chelsea markii ugu dambeysay ayaa ka dhigaysa inay kaliya labo boos ka sareeyaan aagga loogu laabto heerka labaad.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 09:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Turf Moor

Garsooraha: Martin Atkinson (England)

Wararka kooxaha:-

Labada laacib ee Burnley Chris Wood iyo Robbie Brady waxaa soo gaaray dhaawacyo muruqa ah todobaadkan waana la qiimeyn doonaa xaaladdooda.

Charlie Taylor, Josh Brownhill iyo Ashley Barnes dhammaantood waxay wajahayaan baaritaanno jir ahaaneed si loo arko haddii ay sameyn karaan soo laabashadooda.

Weeraryahanka Kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaan wali la heli karin kaddib markii laga helay Korona Fayras, waxaana dhowr todobaad uu ka maqan yahay ciyaaraha.

Kevin de Bruyne iyo Nathan Ake ayaa sii wadan doona kulankan ka maqnaanshahooda Kooxda Man City.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Burnley ayaa guuleysatay kaliya mid ka mid ah 26-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Man City tartammada oo dhan, waxa ay barbaro galeen lix kulan,halka laga adkaaday 19 kulan.

>- Manchester City ayaa todobo kulan oo isku xiga badisay kulankaan, iyadoo dhalisay 28 gool, hal goolna laga dhaliyay.

>- The Clarets guushii ugu dambeysay oo ay Man City ka gaarto, waxay ahayd ciyaar gurigeeda ay 1-0 uga gaartay bishii Maarso 2015-kii.

Burnley

>- Burnley ayaa guuleysatay afar kulan afar kale guuldarreysatay siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Premier League.

>- Afarta guul ee ay diiwaan geliyeen lixdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaaraan garoonkooda waa ay ka badan yihiin 16-kii kulan ee markaas ka hor ay ku ciyaareen Turf Moor.

>- Kooxda Sean Dyche ayaa laga badiyay todobo ka mid ah siddeedii kulan ee ay ka horyimaadeen kooxaha markaas ay la ciyaarayaan ee ku jira todobada kaalin ee ugu sarreeya horyaalka.

>- Burnely ayaa kaliya dhaliyey 13 gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan, waxaana ay ka mid tahay kooxaha goolasha ugu yar ka dhaliyey Premier League kal ciyaareedkan.

>- The Clarets ayaa guuleysatay kaliya hal jeer 26-keedii kulan oo ay garoonkeeda ku soo dhoweysay lixda kooxood ee sare, waxa ay barbaro galeen afar kulan, iyagoo guuldarro la kulmin 21 kulan.

Manchester City

>- Manchester City waxay ku jirtaa rikoorkeedii kooxeed ee 12 guul oo xiriir ah tartammada oo dhan, kooxdii ugu dambeysay horyaalka Premier League oo gaarta 13 guul oo xiriir ah horyaal iyo koob waxa ay ahayd Arsenal oo sidaas samaysay sanadkii 2002.

>- Waa guuldarro la’aan (unbeaten) 19 kulan oo ka soo bilaabanaya 21-ka bishii November, waxaana muddadaas laga dhaliyey kaliya afar gool.

>- Kooxda Pep Guardiola ayaa ilaashatay shabaqeeda 20 kulan tartammada oo dhan, waana in shan ka badan koox kasta oo kale oo ka mid ah kuwa ka ciyaara shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.

>- Manchester City ayaa barbareyn karta rikoorkeeda horyaalka ee lix kulan oo isku xiga inay shabaqeeda gool ka ilaashato horyaalka.

>- Riyad Mahrez ayaa dhaliyey siddeed gool oo horyaalka Premier League oo uu wajahay kooxda Burnley, waana in ka badan koox kasta oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here