Rasmi:- Kooxda Liverpool oo dhameystirtay Ben Davies

0
292

Liverpool-(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Preston ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in difaaceeda Ben Davies uu si rasmi ah ugu wareegay kooxda haysata horyaalka Premier League ee Liverpool.

Liverpool ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay saxeexeedii koowaad ee suuqa bisha January, waxaanu noqday difaac ay aad ugu baahnayd oo qayb ka noqon doona xalka mushkiladdii haysatay ee ay sababeen dhaawacyadu.

Ben Davies oo ay da’diisu tahay 25 jir, ayaa ka gudbay tijaabada caafimaadka, waxaanu qalinka ku duugay heshiis arasmi ah iyadoo Liverpool bixinaysa lacag dhan 2 milyan oo Gini.

Preston North End ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay waxay ku sheegtay inay beddelka Ben Davies lasoo saxeexatay, isla markaana lambarkiisii u gelisay.

“Preston North End waxay lasoo saxeexatay difaaca reer Scotland ee Liliam Lindsay oo amaah ay kaga soo qaadatay Stoke City. Laacibkan ku dhashay Paisley ee difaaca ah waxa uu qalinka ku duugay heshiis illaa inta ka hadhay xili ciyaareedka ah, waxaanu qaadan doonaa No.6 oo bannaanaaday kaddib markii uu Ben Davies dhamaystiray heshiis rasmi ah oo uu ugu wareegay Liverpool.” Ayey Preston ku tidhi war-saxaafadeedka ah soo saartay.

Difaacan lugta bidix ku ciyaara ayaa noqday saxeexa koowaad ee Liverpool ay samaysay caawa oo uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoydu, waxaana mar dhow la filayaa inay lasoo wareegto difaac labaad oo ah Ozan Kabak oo u ciyaara Schalke 04.

Si kastaba, Liverpool ayaa ku guuleystay inay samayso saxeexyadii ay ugu baahida badnayd xili ciyaareedkan oo ay ka dhaawacan yihiin xiddigihii difaaca ee ay ku dagaal-geli lahayd.ImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here