AMAAH :- Arsenal oo Xaqiijisay Saxiixa Martin Odegaard

0
316

England(Idaacadda Waamo)-Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u xaqiijisay dhamaystirka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Martin Odegaard .

Xiddiga Martin Odegaard ayaa kooxda Arsenal u saxiixay heshiis 6 bilood ah oo uu kula joogi doono kooxda Inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Martin Odegaard ayaa noqday saxiixii 3-aad ee ay kooxda Arsenal samaysay intii lagu guda jiray suuqa kala iibsiga ee Bisha January ee 2021.

Xiddiga Martin Odegaard ayaa noqday xiddigii 2-aad ee Amaah ugaga soo biiray Arsenal kooxda Real Madrid iyadoo horay ugala soo saxiixday xiddiga Dani Ceballos.

Xiddiga Martin Odegaard ayaa noqday saxiixii 3-aad ee Gunners ee suuqa January isaga oo ay kooxda kaga soo horeeyeen xiddigaha Omer Rekik iyo Matt Ryan.

Martin Odegaard poses with his back to the camera to show his Odegaard 11 shirt

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here