(SAWIRO)Man United oo guul ka gaartay Liverpool kana reebtay Koobka FA-Cup-ka

0
427

England-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Manchester United ayaa markale ku jirta guulaheeda isdaba jooga ah iyadoo xalay ay 3-2 uga badisay kooxda Liverpool kulan ka tirsan Koobka FA-Cup-ka dalka England.

Inkastoo Liverpool ay daah furtay Goolasha kulanka hadana waxay Manchester United ugu danbeyn Koobka ka reebtay Kooxda hogaanka ciyaarta qabatay ee Liverpool oo markaan ku jirta waqtigeeda ugu Xumaa.

Xiddiga Mo Salah ayaana hogaanka u dhiibay kooxdiisa Liverpool Daqiiqadii 18 aad ee ciyaarta ka hor inta uusan ka bareejeenin goolkii Xiddiga Mason Greenwood Daqiiqadii 26-aad  ee Ciyaarta ayaana lagu kala nastay qeybtii hore 1-1.

Manchester United ayaa Qeybta Dambe hogaanka Qabatay ciyaarta Daqiiqadii 48-aad ee waxaana hogaanka u dhiibay Xiddiga Marcus Rashford kaas oo darbad xoogan ka dhaliyey goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson Becker Laakin xiddiga Mo Salah ayaa goolkiisa labaad ka dhaliyay Manchester United isagoo ciyaarta ka dhigay 2-2.

ciyaarta ayaa kusii socotay weerar iyo weerar celis oo ay labada kooxood isku qaadayeen, laakiin Xiddiga Bruno Fernandes oo badal ku soo galay Ciyaarta ayaa Manchester United ka caawiyay guusha isagoo goolka Sadexaad dhaliyay kooxdiisa Daqiiqadii 78-aad goolkaas oo ahaa gool aad u qurux badan .Image

ImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here