(SAWIRO) Atletico Madrid oo guul ka gaartay Valencia xilli ay 7 dhibcood ku qabateen Hogaanka Horyaalka 

0
361

Spain-(Idaacadda Waamo)-Tababare Diego Simeone iyo Kooxdiisa Atletico Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaaray kooxda Valencia kulan ka tirsan kulamada Horyaalka Spain ee La Liga kulanka ayaa ku soo dhamaaday 3 iyo 1 oo ay guushu ku raacday Atletico Madrid.

Atletico Madrid ayaa 7 dhibcood oo nadiif ah ku qabatay horyaalka waxayna 7 dhibcood ka horeysa kooxda ku jirta booska labaad ee Real Madrid.

Kooxda Valencia ayaana ku hormay Goolka Daqiiqadii 11- aad ee ciyaarta waxana u saxiixya xiddiga Uros Racic laakiin kooxda Atletico Madrid ayaana heshay goolka barbaraha daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta iyadoo qeybta hore lagu kala nastay 1 iyo 1.

Atletico Madrid ayaana qeybta danbe wax badan ka badashay ciyaarta iyadoo Luis Suarez uu shabaqa soo taabtay daqiiqadii 54-aad ee ciyaarta kahor inta uusan goolka sadexaad dhalin Angel Correa guud ahaan ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 3-1 oo guusha ku raacday kooxda Atletico Madrid.ImageImageImage

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here