Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kulankaan oo socday muddo 3 cisho ah ayaa waxaa looga hadlayay waxqabadka sanadkii tagay ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo qorshayaasha sanadka cusub Ee 2021,waxaana shirkaan ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland, bahwadaagta wasaaradda caafimaadka ka tageero horumarinta adeegyada Caafimaadka, masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo ururada bulshada.
Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.