RASMI: Horyaalkii ugu Fiicnaa Sanadkii tagay ee 2020 oo Lasoo Saaray.

0
359

World-(Idaacadda Waamo)-Xiriirka kubada cagta cagta ee taariikhda iyo xogaha ayaa shaaciyay ama doortay horyaalkii ugu fiican sanadkii lasoo dhaafay ee 2020.

Xiriirka kubada cagta cagta ee taariikhda iyo xogaha ayaa horyaalka talyaaniga ee Serie A-da u doortay horyaalkii ugu fiicnaa adduunka sanadkii 2020.

Horyaalka Serie A-da ayaa markii ugu horaysay muddo 14 sano ah ku guulaystay abaalmarinta kadib markii uu qaab Xiriirka ah ugu guulaystay 10 jeer intii u dhexaysay sannadadii 1991 ilaa 2006.

Waxa kaalinta 2-aad ku soo baxay horyaalka Premier League halka uu horyaalka Dalka Brazil ku soo baxay kaalinta 3-aad iyada oo uu horyaalka La Liga ee dalka Spain ku soo baxay kaalinta 4-aad.

Horyaalka Bundesliga ee dalka Germany ayaa sidoo kale ku soo baxay kaalinta 5-aad ee horyaaladii ugu fiicnaa sanadkii 2020 ee lasoo dhaafay.Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here