Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda beeraha iyo Waraabka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta tabbaar kusoo gabagabeysay magaalada kismaayo,tababarkan ayaa waxaa loo qabanaayey beeralayda deegaannada Yoontoy, Qaam-Qaam iyo Buulo-guduud kuwaasoo ka faa`iidey casharo badan oo ku saabsan sida wax loo beerto iyo sida la isaga ilaaliyo ayaxa iyo dhibaatooyinka kale ee ku dhaca dalaga,tababarka ayaana socday mudo afar maalin ah.
Cawke Cali Cawil,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.