Chelsea oo Guuldaro kala Kulantay kooxda Leicester City

0
331

England-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Leicester City ayaa Guuldaro xanuun badan dhabarka usaartaykooxda uu hogaamiyo tababare Frank Lampard ee Chelsea.

Leicester City ayaa sidaasi hogaanka Premier League kula wareegtay ka dib markii ay 2-0 ku garaaceen kooxda Chelsea oo marti ku aheyd garoonka kooxda Leicester Cityย  ee King Power Stadium iyadoo tababare Brendan Rodgers uu markii ugu horeysay abid ka badiyay Chelsea ka dib 15 kulan uu ka horyimid isagoo horey usoo maamulay kooxaha sida Watford ,Reading ,ย Swansea City , Liverpool dhammaan kooxahaasi oo uu kala hor tagay.

Kooxda Leicester City ayaa si weyn maamuleysay ciyaarta maadaama qeybtii hore goolal kala hormartay kooxda ay kusoo dhaweysay garoonkeeda King Power Stadium. goolasha ayey qeybta hore dhalisay kooxda Leicester waxay uga mahad celinayaan xidigaha kala ah Wilfred Ndidi kaas daqiiqadii 6-aad dhaliyey goolka 1-aad ee ciyaarta iyo xiddiga James Maddison oo isna daqiiqadii 41-aad dhaliyey goolka labaad kooxdiisa.

kooxda Chelsea ayaa soo laabatay iyadoo la daalaadhaceyso labo gool oo qeytii hore laga dhaliyey iaydoo aan wax cusub kusoo kordhin ayey dhamaatay ciyaarta kooxda Chelsea,

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 oo ay Leicester City sidaadi guul ku gaartay hogaankana Premier League kula wareegtay maadaama ay xalay ciyaartay kulankeedii 18-aad ee horyaalka.

Image

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here