Wayne Rooney oo Si Rasmi ah Tababare Loogu Magacaabay.

0
326

England(Idaacadda Waamo)- Wayne Rooney ayaa si rasmi ah loogu magaacabay tababaraha kooxda Derby, kadib markii uu ciyaaraha ka fariistay ayaa loo magacaabay tababaraha rasmiga ah ee kooxda Derby.

Halyeeygaan Manchester United oo 35 sanno jir ah ayaa qalinka ku duugay heshiis labo sannadood iyo bar ah ka dib markii uu si ku meel gaar ah u ahaa tababaraha kooxda markii la ceyriyay Philip Cocu bishii November.

kooxda hadda loo dhiibey xidigii hore ee Weyne Rooney ayaa weli waxay ku jiraan boosaska lagu haro horyaalka laakiin waxay ka danbeeyaan kooxda kaalinta 21aad ee Sheffield Wednesday oo farqiga goolasha uga horeysa kooxdiisa.

Horumar cad oo la taaban karo ayuu sameeeyey mudadii uu sida ku meel gaarka u haayey kooxda iyadoo gaarsiiyay guulo sida kulankii ay 4-0 ay kaga badiyeen kooxda Birmingham City iyo kulankii ay 2-0 kaga badiyeen kooxda Swansea.

Weyne Rooney ayaa kooxda tababaraha looga dhigey waxa uu soo maray isagoo ciyaaryahan ah wuxuu la joogey muddo 1 sano ah wuxuu u saftay kulamo gaarayo 30 kulan wuxuu u dhaliyey goolal gaarayo 6 gool wuxuuna mudadaasi ka  gaaray kooxda ilaa heer kabtanimo oo kooxdiisa.

Image

Madaama loo magacaabay tababaraha rasmiga ah ee kooxda waxay la micno tahay in Rooney uu si rasmi ah u soo gabagabeeyay waayihiisa ciyaareed ee kubbada cagta.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here