Bruno Fernandes oo Ku Guulaystay Xiddiga Bisha December.

0
224

England(Idaacadda Waamo)-Xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes ayaa sameeyay taariikh kadib markii uu ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican Premier League bishii tagtay ee December 2020.

Bruno oo wacdaro dhigay bishii la soo dhaafay ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee 4 bil ku guulaysta abaalmarinta xiddiga ugu fiican bishan ee premier League.

Fernandes ayaa horay ugu sii guulaystay abaalmarinta bilihii February, June Iyo November 2020, Bruno Fernandes ayaa kooxda Man United ku yeeshay saamayn uuna xiddig kale horay ugu yeelan isaga oo kooxda ka noqday xiddiga ugu muhiimsan.

Fernandes Ayaa sameeyay wax uuna xiddig kale horay uga samayn Premier League kadib markii uu abaalmarinta ku guulaystay 4 jeer sanad gudihiisa.

Xiddiga Khadka dhexe ee Bruno Fernandes ayaa ilaa haatan dhaliyay 11 gool ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here