Red Devils oo haddii ay caawa guuldarro ka fogaato la wareegi doonta hoggaanka horyaalka Premier League

0
247

Burnley(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa caawa booqanaysa naadiga Burnley kulan qeyb ka ah horyaalka Premier League.

Red Devils haddii ay caawa ka fogaato guuldarro ka soo gaartay naadiga ay martida u tah ay ee Burnley, waxa ay ka sare mari doontaa Kooxda Liverpool oo haatan hoggaanka u haysa horyaalka horyaalka Premier League.

Kooxda uu hoggaamiyo macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad ee kala sarrenta horyaalka, waxaana ay min 33-dhibcood la wadaagaan hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Reds, halka Burnley ay ku jirto booska 16-aad, iyadoo 16-dhibcood ka uruusatay 15-keedii kulan ee ay ka ciyaartay horyaalka fasal ciyaareedkan 2020-21.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Turf Moor

Garsooraha: Kevin Friend (England)

Wararka kooxaha:-

Ciyaaryahanka kooxda Burnley ee Charlie Taylor ayaa shaki laga galinayaa kulankan, maxaa yeelay waxa uu qabaa dhaawac bowdada ah, halka daafacooda Kevin Long sidoo kale xaaladdiisa la la socon doono kaddib markii uu soo gaaray dhaawac canqowga ah.

Jay Rodriguez iyo Dwight McNeill ayaa la dagaalamaya dhaawacyo sidoo kale waa la qiimeyn doonaa ka hor kulanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here