Kooxda Real Madrid oo hal dhibic kala soo laabtay Garoonka El Sadar oo ay booqatay

0
403

Osasuna(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid oo hal dhibic kala soo laabtay naadiga Osasuna oo ay booqatay.

Kulankan waxaa hareeyey baraf aad u daran oo ka da’ayey garoonka Osasuna ee El Sadar, waxaana qeybta hore u suuro-gali weysay inay shabaqa soo taabtaan.

Fursadaha ugu badan kulankan qeybta hore waxaa sameysay kooxda martida loo ahaa ee Osasuna, laakiin Real Madrid ayaa ku wanaagsanayd kubbad haysashada qeybta hore.

Inkastoo labada kooxoodba ay sameeyeen fursad goolal lagu dhalin karay, haddana waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0 ah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay natiijada ciyaarta waxba iskama bedelin, maadaama cimiladu ay saameyn ku yeesheen ciyaartan oo baraf badan uu ka da’ayey garoonka El Sadar, ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay garbo siman 0-0.

Los Blancos oo ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga ayaa saddex dhibcood ka sarreysa kooxda Barcelona oo fadhisa kaalinta saddexaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here