Man United oo garoonkeeda Old Trafford guul kaga gaartay Watford

0
247

Manchester(Idaacadda Waamo)- Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa iska xaadirisay wareegga xiga ee tartanka FA Cup-ka kaddib guul ay ka gaartay Watford,

Manchester United ayaa gool dhaqsiyo badan ku bilowday ciyaarta, waxaana u dhaliyey 5’daqiiqo Scott McTominay, kaddib markii uu madax ku dhuftay koorno uu soo qaaday Alex Telles.

Dhammaadkii qeybtii koowaad ee ciyaarta waxaa dhaawac Madaxa ah ku baxay Eric Bailly, kaddib markii ay isku dhaceen isaga iyo goolhaye Dean Henderson, waxaana soo galay Harry Maguire oo kursiga keydka laga soo istaajiyey.

Kulanka ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaaminaysay Manchester United, waxaana goolkaas u dhaliyey Scott oo caawa markii ugu horreysay kabtan u noqday kooxda ka arrimisa garoonka Old Trafford.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta, waxba iskama bedelin natiijada ciyaarta, waxaana uu kulanku soo dhammaaday 1-0 ay ku adkaatay Kooxda Manchester United.

Kooxda uu hoggaamiyo Macallin Ole ayaa sidaasi ugu gudbtay wareegga afaraad ee tartanka FA Cup-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here