Man United oo xaqiijisay Lambarka uu u xiran doono saxiixooda cusub ee Amad Diallo

0
255

Man United(Idaacadda Waamo)Kooxda Manchaster United ayaa xaqiijisay in uu saxiixooda cusub ee Amad Diallo uu kooxdiisa u xiran doono Lambarka.19.

Man United ayaa Diallo ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee xagaaga kadib markii ay 36 milyan oo euro ka bixisay saxiixiisa iyaga oo kala soo wareegay kooxda Atalanta ee dalka Talyaaniga.

Kadib markii uu xiddigu si rasmi ah u dhamaystiray ku biirista kooxda Man United ayaa xaqiijisay Lambarka uu kooxda u xiran doono.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee ee Diallo ayaa xidhan doona No.19 oo ah lambarkii uu xidhan jiray xiddiga Marcus Rashford ka hor intii uuna u guurin No.10.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here