Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xafladda xiritaanka tartankii Kubadda Cagta G/Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada

0
231

Muqdisho(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabadda Xiritaanka Tartanka Kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tartankan uu kor u qaaday is-dhexgalka, walalnimada iyo midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin nabadda, xasilloonidda iyo horumarka dalkeenna, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka Fikirada qaldan iyo maandooriyaha, joojinta Tahriibka iyo qabyaaladda.

“Dowladdu si ay u hirgeliso Qorsheyaasha Qaran ee horumarinta ciyaaraha waa in qeybaha kala duwan ee bulshada ay doorkooda ka qaataan. Xukuumadda waxaan ku adkeynayaa in ay xoojiso isdhexgalka bulshada, taas oo ay ugu horreeyaan ciyaaraha Kubadda Cagta”.ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Wasaaradaha Ciyaaraha Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Ciidamada Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, dadaalkii ay ku bixiyeen qabsoomidda Tartankan ka turjumaya hor u socodka dalkeenna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here