Horudhac: Athletic Bilbao vs Barcelona… (Blaugrana oo haddii ay caawa guuleysato soo geli doonta kaalinta saddexaad ee La Liga

0
254

Bilbao(Idaacadda Waamo)-Barcelona ayaa wajahaysa caawa Kooxda Athletic Bilbao iyadoo Blaugrana ay fursad u haysato inay soo degto kaalinta saddexaad ee horyaalka La Liga.

Dhanka kale, Athletic Bilbao ayaa caawa ku ciyaarisay garoonkeeda San Mames Stadium, iyadoo loo magacaabay tababaraha cusub ee Marcelino kaasoo bedelay Gaizka Garitano.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Arbaco 06 Jan 2021

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: San Mames Barria

Garsooraha: Carlos del Cerro (Spain)

Wararka kooxaha:-

Tababare Gaizka Garitano ayaa shaqada kooxda Athletic laga cayriyey kaddib guushii ay ka gaareen Elche, waxaana booskiisa bedelay Marcelino oo la magacaabay Axaddii.

Marti-geliyeyaasha kulankan ayaa ku ciyaari doona shax ah 4-4-2 waana habka uu door-bido inuu garoonka ku galo macallinka cusub ee kooxda Bilbao.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here