Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Magaalada kismaayo ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad lagu daah furayay adeegga dalbashada fudud ee Rikaab Taxsi, kaasi oo shaqo abuur u noqonaya dhalinyaro badan oo ka shaqeeyso tagaasida Magaalada Kismaayo.
Waxaana adeegaan hergalisay shirkadda Rikaab oo inta badan ka shaqeeyso Magaaloyinka waa weyn ee Soomaliya,Waxaana munasabadda daah-furka kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland,Ganacsato maamulka shirkadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Kismaayo.
Iidle Aadan Maxamed ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.