Saraakiisha ciidamada Talyaaniga iyo spain ee oo qalab isboortis gudoonsiiyey ciyaartowda Gobolka Banaadir

0
479

Muqdisho(Idaacadda Waamo)-Saraakiisha Ciidamada Talyaaniga iyo Spain ee ku sugan Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay qalab isboortis guddoonsiiyeen ciyaaryahanada xulka gobolka Banaadir ee dhawaan ku guuleystay.

Munaasabadda qalabka lagu siinayey ciyaartowda goblka Banaadir oo ka dhacay Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho, ayaa waxaa lagu dhiirigalinaayey ciyaaryahanada xulka Gobolka Banaadir ee ku guuleystay koobkii dowled goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Qalabkan isboortis ee maanta guddoonsiiyey xiddigaha gobolka banaadir, ayaa isuga jira banooniyaal, funaanado iyo agab kale ee logu talagalay jimicsiga

Guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada iyo wacyi galinta maamulka gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) goob joog ka ahayd munaasabada ayaa ka mahad Celisay Qalabkan Isboorti ee la guddoonsiiyey Ciyaartoyda Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here