Dowlad Goboleedka Jubbaland OO Xariga Kajaray 250 Guri oo Ladajiyay Dadkii Xeryaha Qaxotiga kasoo laabtay.

0
449
Kismaayo(Waamo Radio)Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa 250 guri oo cusub ku wareejisey dadka ka soo laabtey Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Waxaa Hirgalinta Guryahaan oo Kagoban Labo Qol Iyo Musqul  Iska Kaashaday Dowlad Goboleedka Jubbaland Iyo  Hey.Adaha NRC Un Habitet Madaxwayne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere ayaa xariga ka jarey guryahan cusub ee ay Wasaaradu ka hirgalisey duleedka magaalda Kismaayo.

Gudomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Gooni Iyo Agasimaha WaSaarada Arimaha Gudaha Jubbaland Adan Farah Garane  Ayaa Ogu Horeen Goobta Kahadalay
Abdulahi Imaan Oo Ah Waliika Heyada Care Ee Somalia Oo Kuhadlayay Afka Heyadaha Fuliyaya Dhismaha Guryahaan  Ayaa Shagay in Ay Sii Wada Donan Cawinta Dadka Somaliyeed Danyarta Ah.
waxaa warbixintaan inoo soo jeedinaya,Iidle Aadan Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here